RASMI: Lucas Biglia oo Afar bilood garoomada ka maqnaanaya!

0
742

Kooxda kubadda cagta ee AC Milan ayaa ku dhowaaqday in laacibkeeda Lucas Biglia uu garoomada ka maqnaanayo Afarta bilood ee soo aaddan.

Ciyaaryahankan waxaa toddobaadkii hore uu dhaawac kasoo gaaray muruqa hoose ee lugta midig, iyadoo hadda qalliin lagu sameeyay.

Waxaa Biglia loo qaaday dalka Finland si halkaas uu qalliin uga maro, waxaana Milan ay doorratay dhaqtarka lagu magacaabo Sakari Orava si uu qalliinkan u fuliyo.

Maalmihii aynu kasoo gudubnay dhaqaatiirta Roseneri waxa ay xaqiijiyeen in laacibka reer Argentina uu dhibaato dhaawac ka qabay muruqa, taasna ay keentay in qalliin loogaga sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, 32-jirkan ayaa kubadda cagta ciyaari doonin afarta bilood ee soo aaddan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan