Muxuu Jose Mourinho kala jeeday dabaal deggii uu sameeyay markii ay dhammaatay ciyaartii Juventus? Isaga ayaa ka jawaabay!

0
1785
Manchester United's Portuguese manager Jose Mourinho gestures towards the public at the end of the UEFA Champions League group H football match Juventus vs Manchester United at the Allianz stadium in Turin on November 7, 2018. (Photo by Isabella BONOTTO / AFP)

Macallinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa tilmaamay inuusan dabaal deggiisa ku aflagaadeyn kooxda Juventus oo uu si la yaab leh kaga adkaaday.

Kooxda Macallin Mourinho ayaa guul muhiim ah ka gaartay Juve oo ay ku booqatay Turin ka dib laba gool oo ay dhaliyeen afartii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaarta.

Gool uu ka dhaliyay xiddiggoodii hore ayaa waxaa usoo celiyay bareejadeeda Juan Mata, ka hor inta uusan Leonardo Bonucci si kama’ ah isaga dhalinin gool.

Mourinho ayaa markii ay ciyaarta dhammaatay waxa uu sharraxaad ka bixiyay dabaal daggii uu farahiisa dhegta la saarray markii firimbiga garsoorka ciyaarta ku dhammeeyay uu ku dhowaaqay.

 

“Annagoo joogno magaalo Taliyaani oo qurux badan, way I aflagaadeynayeen 90-ka daqiiqo. Aniga ma caynin. Keliya wax yar ayaan sameeyay,” ayuu u sheegay BT Sport.

“Waan ogahay in malaayiin taageerayaal Inter ah ay ku farxeen arrintaas. Balse aniga waan xushmeeyay Juventus, ciyaartoydooda, macallinka iyo tayada ay leeyihiin.

Dabaaldaggii Mourinho ee uu dhagta fara saarray ayaa lagu tilmaamay inuu sii sugayay shanqarta taageerayaasha Bianconeri, maadaama ay ku kululeysanayeen inuu macallin usoo ahaa kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milan.

Mourinho ayaa saddex farood sare u taagay kullankii guuldarrada uu kala kulmay Juventus wejigii hore, iyadoo lagu micneeyay inuu kala dan lahaa saddexley ku hooggaamiyay Inter Milan 2010.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan