Chelsea lacagihii ay kusoo qaadan lahayd beddelka Morata iyo Giroud!

0
1687

Wararka ka imaanaya gudaha Ingiriiska ayaa ku warramaya inay koooxda Chelsea ay diyaarisay lacag dhan £35m oo ay kusoo qaadaneyso weeraryahanka AFC Bournemouth ee Callum Wilson.

Weeraryahankan ayaa hadda noqday musharraxa ugu cadcad ee ay Blues suuqa kala iibsiga bisha January kusoo qaadaneyso si uu u xalliyo dhibaatada ka heysato weerarka dhexe.

Wilson ayaa Toddobo gool u dhaliyay Bournemouth ka dib 13 kullan oo uu u ciyaaray, waxaana uu si aad ah usoo jiitay dareenka Maurizio Sarri oo baadi goob ugu jiray lasoo saxiixashada weeraryahan cusub oo tayo leh.

Waxa uu sidoo kale ku wanaagsanyahay Xiddigga reer England ka qayb qaadashada goolasha xiddigaha ay isku kooxda yihiin waxaana xilli ciyaareedkan oo sameeyay Shan caawin.

Inkastoo uu Maurizio Sarri ka saaciday Morata inuu bandhig goolal oo cajiib ah lasoo baxo, haddane Scottish Sun ayaa werrineysa Chelsea inay £35m kusoo qaadaneyso 26-jirka weerarka ugu ciyaarra Bournemouth.

Bandhigga wacan ee uu sameynayo Wilson waxa ay horseed u noqotay in loogaga yeero xulka qaranka England ee kullamada soo aaddan ciyaaraya.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan