DAAWO Muuqaalka: Maxay taageerayaasha Arsenal ku sameynayaan Cesc Fabregas ciyaar-gacmeedka FIFA19?

0
1082

Ciyaar-Gacmeedka (PlayStation) FIFA 19 ayaa si toos ah loo soo daayay bishii aynu soo dhaafnay ee September, waxaana lagu soo kordhiyay noocan waxyaabo cusub, isla markaasna u ekeysiinaya ciyaaraha dhabta ah.

Marka labada gacan ee Game-ka lagu ciyaaro ay kala qaataan laba shaqsi oo kala doortay Chelsea iyo Arsenal, waxaa laga maqlayaa cod u muuqda orrin ama in lagu orrinayo laacibka Blues khadka dhexe kaga ciyaara ee Cesc Fabregas.

Marka Fabregas uu kubadda taabto waxaa is qabsanaya qeylo, foorri iyo buuq badan oo aad ku fikiri karto inuu is qabsanayo guud ahaan garoonka, weliba si gaar ah garoonka Emirates Stadium.

Xiddigga reer Spain ayaa Arsenal kusoo biirray isagoo jira da’ da 16-ka sano, waxaana uu la qaatay waayo qurux badan illaa uu noqdo Captain-ka kooxda Gunners.

Siddeed sano oo uu halkaas ku qaatay ka dib, waxa uu ku laabtay kooxda Barcelona oo ah halka uu xirfaddiisa dhallinyarannimada kusoo qaatay, isagoo saddex xilli ciyaareed oo kala duwan ku qaatay Camp Nou.

ugu dambeynse xagaagii 2014 ayuu ku laabtay horyaalka Ingiriiska iyo magaalada London, waxaana uu ku biirray Chelsea oo uu illaa iyo hadda ka tirsanyahay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan