Xidigan Ay Wada Doonayeen Tottenham Iyo Man United Oo Doortay Atletico Madrid, Iyo Sababta Kadanbaysa.

0
810

Kooxaha kubadda cagta Manchester United iyo Tottenham ayaa wada xiisaynayay saxiixa xidiga katirsan kooxda  Fioretina ee Giovanni Simeone.

Weeraryahanka ayaa waxaa aabbe u ah tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid Diego Simoene, taas oo shaki galinaysa suurta galnimada uu xidigani ku biiri karo kooxaha reer England.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda Fox Sports ayaa shaaca ka qaadday in Giovanni Simeone uu doortay kubiiridda kooxda uu aabihiis macallinka ka yahay ee Atletico Madrid, baddalkii uu aadi lahaa Premier League.

Tan ayaana kadhigan in kooxaha reer England ay dib uga fiirsan doonaan xiisaha ay u qabaan weeraryahankan reer Argentine, iyaga oo ay macquul tahay in isaga haraan tartankiisa.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan