Spain waa xul aan shabaqa laga celin karin iyo halista Ingiriiska hortaalo caawo

0
800

 

Xulka Spain caawo waxay 9:45 fiidnimo xiliga geeska Afrika la cayaarayaan xulka Ingiriiska kulan ka tirsan tartanka UEFA Nations League.

Spain caawo kulankooda 301-aad ayay garoonkooda ku cayaarayaan waxaana xusid mudan 10-kulan ugu dambeesay Spain garoonkooda ku cayaareen 8-kulan ka mid ah inay guuleesteen halka labi kulana ay bar bar dhac galeen waxayna dhaliyeen 42-gool ayagoo laga dhaliyay 5-gool oo qura.

Xulka Georgia ayaa ugu dambeeyay xul ciida Spain ku badiyo sanadii 2016 kulan magaalada Getafe ka dhacay ayaa Spain guuldaro looga naxsaday.

Spain xasuus gaar ah ayay ku heestaan garoonka Sevilla ayadoo 12-1 kaga badiyeen xulka Malta xili isreeb reeb loogu jiray koobkii aduunka 1994.

Spain dhawaanahan xulka ay garoonkooda ku qabtaan cagta ayay mariyaan waxay 8-0 kaga badiyeen Liechtenstein cayaar ka dhacday Leon, kadib Argentina ayay 6-1 ku xaaqeen kulan ka dhacay  Estadio Wanda Metropolitano iyo cayaartii 6-0 ay cagta ku mariyeen Croatia oo lagu cayaaray Elche.

Waxaa xusid mudan in cayaaryahan Isco dhaliyay 8-gool oo ka mid ah 42-gool Spain garoonkooda ku dhaliyeen 10-kulan ugu dambeesay.

Spain dalka kusoo xigo ee garoonkooda ku wanaagsan waa Jarmalka kuwaas oo 26-gool dhaliyeen 10-kulan ee ugu dambeesay.

Xulka Ingiriiska waxay garoonkooda ku dhaliyeen 12-gool 10-kulan ugu dambeesay oo ay ku cayaareen.

Sidaa darteed Ingiriiska caawo waa loo cabsadaa in goolal badan lagu xaaqo madaama ciidda Spain kulankan adag ka dhacaayo.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan