Qoyska Lionel Messi iyo taageerayaasha Diego Maradona oo jawaabo kulul ay dhex martay!

0
1012

Qaar ka mid ah qoyska iyo ehelka Lionel Messi ayaa jawaabo u celiyay halyeyga Argentina ee Diego Maradona kaasoo weerar aan caadi ahayn ku haya Messi.

Ku guuleystaha Koobkii Adduunka ee 1986 ayaa ku tilmaamay laacibka Barcelona inuu si kala duwan u ciyaaro marka uu matalayo kooxdiisa iyo qarankiisa, waxaana uu tilmaamay in uusan hooggaamiye noqon karin “maadaama uu 20 jeer mushqusha aado ka hor ciyaarta” sida uu carrabaabay Maradona.

Halyeygan oo ay dadka Argentina jecelyihiin bandhiiggiisii wacnaa awgeed ayaa sheegay inuu Messi ugu yeeri lahayn qaranka haddii uu markale macallin u noqon lahaa.

Xiddig ina adeer la ah Messi oo lagu magacaabo Maxi Biancucchi ayaa ku tilmaamay Maradona nin jaahil ah.

34-jirkan qaybta ka ah qoyska Messi ayaa u ciyaara kooxda heerka labaad ee dalka Paraguay ka ciyaarta ee Rubio Nu, waxaana uu yiri: “Waa jaahilnimo in Messi aad xaqirto”.

Sidoo kale dadka ka jawaabay eedeynta Maradona waxaa ka mid ah qareenka Lionel Messi oo lagu magacaabo Alba Llanes, waxaana uu yiri: “Marka dhaleeceynta ay ka imaaddo qof daroogiiste ah, ma lahan wax qiimo ah”.

Carlos Munoz Alvarez oo ahaa macallin hore ayaa isna hoosta ka xarriiqay inuu raacsan yahay fikirka Maxi Biancuchi, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa: “Qof jir ahaan iyo maskax ahaanba jirran, sida Maradona-ha cayilan ma eedeyn karo Messi.

“Argentina uma baahna hooggaamiye, waxa ay u baahantahay hooggaamiyeyaal dhowr ah, Messi wuu yahay, balse kuwa kale xasuustiisa ayay ku noolyihiin”.

Balse waxaa u soo jawaabay Gilberto Ruiz Pintos, waxaana uu yiri: “Ma waxaanan run ahayn, waxa uu Maradona yiri!!! Sida ay tahay ayuu sheegay. Iska daaya difaacidda Messi ee inuu yahay midka ugu fiican, illeen ma ahane”.

Taageere kale oo Maradona taabacsan ayaa yiri: “Maradona wuxuu dhihi karaa waxa uu isaga doono, maxaa yeellay horey ayuu garoonka ugu muujiyay waxa uu yahay. La mid ma ahan kuwa qaranka usoo aaday inay jeebkooda ka buuxsadaan”.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan