Pep Guardiola oo qalbiga ka dhaawacay taageerayaasha City!

0
1235

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ayaa sheegay in kooxdiisa aysan u diyaarsaneyn tartanka UEFA Champions League-ga inay ku guuleysato.

Sky Blue ayaa weli aanan ka tillaabin wareegga nus dhammaadka tartanka horyaallada Europe, waxaana bilawga xilli ciyaareedkan ay ku furteen guuldarro kasoo gaartay kooxda Lyon iyagoo marti loo ahaa.

Guardiola oo horay Champions League kula soo guuleystay Barcelona mar isagoo ciyaaryahan ah iyo laba jeer oo uu tababare ahaa ayaa yiri: “Haddii aan ka mid nahay kuwa ugu cadcad, taasi waxa ay ka dhigantahay inaan wanaagsannahay, dhabtii aynu wanaagsannahay.

“Balse kooxda fiican waxa ay gaartaa wareegga Semi-Finalka, mana garanayo inaan diyaar u nahay, markii aan daacad u hadlo. Marka aad aaminsantahay inaad guuleysan karto dabcan waad sameyn kartaa” ayuu yiri macallinka reer Spain.

“AC Milan, oo si dhaqso leh kusoo laaban doonto, waxa ay ku guuleysatay toddobo jeer.

“Kooxaha ugu cadcad waa kooxaha nagaga taarriikhda weyn sidoo kalena dhaqanka u leh. Real Madrid, Barcelona iyo weliba Juventus ayaa Final-ka tiigsanayay laba jeer ugu yaraan dhowaanahan iyagaana u dhowaa” ayuu carrabka ku dhuftay tababarihii hore ee Bayern Munich.

Pep Guardiola ayaa suuqa kala iibsiga geliyay lacag ka badan £543million tan iyo kusoo biiritaankiisaa Etihad ee 2016, welina wax ifafaalo Champions League inay ku guuleystaan ah kama soo muuqato.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan