PAUL INCE: ‘Mohamed Salah Waxa Uu Kusuganyahay Xaalad Lamid Ah Tan Paul Pogba Ku Haysata Manchester United.’

0
1331

Xidigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Manchester United qadka dhexe kaga ciyaari jiray Paul Ince ayaa shaaca kaqaaday in Mohamed Salah uu ku suganyahay xaalad lamid midda uu kusuganyahay Paul Pogba.

Weerararyahanka Liverpool Mo Slaab iyo qadka dhexe ee Red Devils Pogba ayaan xilli ciyaareedkan si wanaagsan kubilaaban Premier League.

Xidiga heerka caalami ee reer Egypt ayaa 44-gool shabaqa ku hubsaday xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay markaa s uu abaal marinta kabta dahabka EPL ku garaacay Harry Kane.

Si kastaba ha ahaatee, xidigii hore ee kooxaga Roma iyo Chelsea ayaa xilku ciyaareedkan aan haysan qaab ciyaareed wacan halka xidiga ugu qaalisan Man United uu wareersanyahay Old Trafford kadib markii ay isku dhaceen tababare Jose Mourinho.

“Salah wuu halagamayaa, balse waa ciyaaryahan bannaankiisa kudhacay,” ayuu Paul Ince u sheegay Express.

“Waan oagahy in Pogba uu ku wanaagsanaa France, balse kuma wacna United. Taas oo ay sabab u tahay koobki addunka.

“Taasi waa sababta ay uu Salah u halagamayo, si lamid ah Pogba.” Ayuu hadalkiisa kusoo afneeray Pauk Ince.

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan