Mousa Dembèlè Oo Go’aan Kagaaray Mustaqbalkiisa Ciyaareed, Iyo Hadduu Uu Aadayo China.

0
585

Xidiga heerka caalami ee reer Belgium ayaa maalmihii u danbeeyay lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqayo kooxda waqtigan katirsan ee Tottenham Hotspur.

Dembele ayaa kamid ah xidigaha qadka dhexe ugu wanaagsan ee ka ciyaara qaaradda yurub isaga oo kamid ahaa xidigihii Belgium u suura galiyay in ay kaalinta seddexaad ka tiigsadaan koobkii adduunka ee lagu soo idleeyay Russia.

Halka uusan waqtigan ku qanacsanayn taatikada ciyaareedk ee tababare Maurico Pochettino kaas oo kulamada qaar kusoo bilaaba kursiga kaydka ee kooxda ku ciyaara White Hart Lane.

Si kastaba ha ahaatee, Sun Sport ayaa daabacday in Mousa Dembele uu diyaar u yahay in uu kansalo qanadaraaska uu kula jiro Tottenham si uu xagaaga danbe ugu biiro horyaalka China Super League.

Ciyaaryahanka ku ciyaara lugta bidix ayaa waxa xiisaynaya qaar kamid ah kooxaha uvu awoodda badan qaaradda yurub, sida Paris Saint Germain, Real Madrid iyo Inter Milan.

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan