Ma ahan Pogba, PSG oo dooneysa laf dhabarta Manchester United!

0
874

Goolhaye David De Gea, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Manchester United kuwaasoo ay ka baqaneyso inay lumiso dhammaadka xilli ciyaareedkan.

In heshiiska ciyaaryahankan uu gabagabo yahay, isla markaasna aysan jirin wax dhaqdhaqaaq heshiis kordhin ah ayaa dareen gelineysa kooxda Paris Saint-Germain.

Naadiga reer France ayaa il gaar ah ku eegeysa xaaladda heshiiska Goolhayaha reer Spain sida ay werrineyso Daily Mail.

De Gea ayaa dadaal ugu jirin inuu heshiiska u kordhiyo United, waxaana lagu soo warramayaa inuu ka fiirsan doono halka ay ku dambeyso xaaladda Jose Mourinho ee aan la saadaalin karin.

Sanooyinkii lasoo dhaafay, waxaa si aad ah loola xiriiriyay kooxda Real Madrid oo jacel daran u qabtay xiddiggan, se suuqii xagaaga ee dhowaan xirmay ayay gacanta ku dhigeen Thibaut Courtois oo ay Chelsea kala soo saxiixdeen, taasoo maankooda ka saartay 27-jirkan.

Xiddiggii hore ee Atletico Madrid ayaa ka mid ah 11 ciyaaryahan oo uu qandaraaskoou dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan, walow Red Devils ay awood u leedahay inay hal sano ugu kordhiso heshiiskiisa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan