Juventus Oo Diyaar U Ah In Ay Bisha January Soo Qaadato Xidiga Katirsan Bayern Munchen.

0
530

Kooxda tababare Max Allegri ayaa diyaar u ah in ay markale saameen kuyeelato suuqa jiilaalka iyaga oo diyaar u ah in ay kooxda kusoo kordhiyaan xidigo dheeri ah.

The Old Lady ayaa xilli ciyaareedkan lasoo saxiixatay xidiga waa wayn oo uu kamid yahay kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo kaas oo 105-malyan kaga soo dhaqaaqay Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee muuq baahiyaha Rai Sports ayaa baahiyay in Juventus ay diyaar u tahay in ay bisha January Serie A usoo dhaqaajiso xidiga qadka dhexe ee Bayern Renato Sanchez.

Sanchez ayaa xirfaddiisa ciyaareed waxaa hoos u dhigay kursiga kaydka uu inta badan ugu soo bilaawdo kooxda reer Germany, isaga oo qay tii danbe ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah ugu soo ciyaaray kooxdq Swansea City.

Xidigan heerka caalami ee reer Portugal ayaa kamid ah xidigihii sannaddii 2016 xulka Portugal u qaaday koobkii qaramada qaaradda yurub ee lagu soo idleeyay dalka France oo ay Finalka ku garaaceen.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan