Dib u xasuuso markii Ferguson uu kabta ku dhuftay Beckham, iyo sida ay dhacdadaas ugu gilgishay qolka lebiska ee Manchester United!

0
2320

Tababarehii hore ee Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa ka mid ah shaqsiyaadka carada badan kubadda cagta isla markaasna aadka u neceb guuldarrada, waxaana tusaale wanaagsan u ah dhacdadii 2003 qolka lebiska ee United ka dhacday.

David Beckham ayaa xilligaas ka mid ahaa kooxdii Red Devils, waxaana ay isku dheceen Macallin Ferguson.

Waayeelka Scottish-ka ah ayaa aaminsan ee laacibkii hore ee qaranka England uu maanka ku hayay inuu isaga tago kooxda, ka dib guuldarradii ay ugaga hareen FA Cup bishii February, wixii kullankaas ka dambeeyana ma uusan ahayn mid si wanaagsan u ciyaara, sida uu aaminsanyahay Ferguson.

Isku dhaca labada shaqsi ayaa saldhig u ahaa in Beckham uu isaga tago kooxda Old Trafford oo uu ka tirsanaa laga soo billaabo 1991, waxaana uu wareegay dhanka Spain.

Sir Alex ayaa buuggiisa uu kaga hadlayay noloshiisa dib ugu milicsaday dhacdadaas waxaana uu ku qoray: “Xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee uu innaga nala joogay waxaa uu hoos u dhigay shaqadiisa, waxaan maqleynay sheekooyin xan ah oo isla xiriirinaya isaga iyo Real Madrid.

“Arrinka ugu weyn ayaa ah in uu hoos u dhigay waajibaadkiisa, isagoo kasoo dhacay heerkii wacnaa ee lagu yaqaannay.

“Waxa uu ii jiray qiyaastii 12 cag masaafo ah, dhulka isaga noo dhexeeyay waxaa yaallay kabo badan oo isaga ku ciyaaray, dhankiisa ayaan usoo dhaqaaqay, waxaanna ku laaday kabta.

“Waxa ay kaga dhacday isha korkeeda. Dabcan waxa uu usoo istaagay inuu ila dagaallo, balse ciyaartoyda ayaa celiyeen. Waxaan ku iri ‘fariiso. Kooxdaada ayaad hoos u dhigtay. sidaa jeceshay u dood’.

“Maalintii xigtay sheekada waxa ay soo gaartay shirka jaraa’id. Dhaawacii ay kabta gaarsiisay ayaa noqday mid bannaanka yimid, waana maalmihii aan kooxda u sheegay in David Beckham uu kooxda isaga tago.

“Farriinteyda waxa ay ahayd mid ay wada ogyihiin dhammaan xubnaha madaxda kooxda ee i yaqaannay. Daqiiqadda uu ciyaaryahanka Manchester United isu arko inuu ka sarreeyo macallinka, waxa ay ahayd inuu kooxda ka tagayo.

“Waxaan dhihi jiray ‘xilliga macallinka uu lumiyo awooddiisa, meesha koox kuma heysatid. Ciyaartoyda wey kala didayaan, ka dib dhibaato aad dhexda kaga jirtaa.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan