Chelsea oo dooneysa inay Liverpool ku garaacdo saxiixa laacib ka tirsan Napoli!

0
1307

Tan iyo imaanshiyahii Macallin Maurizio Sarri, Chelsea ayaa xilli ciyaareedkeeda ku billaabatay si xoog leh, iyadoo weli aan dhinacooda dhulka la dhigin, waxaana ay ciyaarayaan kubbad furan oo weerar ku saleysan.

Balse, Sarri ayaa weli doonaya inuu safkiisa kusoo daro saxiixyo kale, maadaama kubbad sameeyahooda Mateo Kovacic oo ka tagi doono dhammaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhameysto heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo.

Sida ay qoreyso Metro, Liverpool ayaa xiiso ba’an u muujineyso¬† kubbad sameeyaha Napoli¬†Piotr Zielinski kaasoo taagaare weyn uu yahay Macallin Jurgen Klopp.

Laacibka reer Poland ayaa qanadaraaska uu kula joogo kooxdiisa hadda uu ku egyahay sanadka 2021, waxaase kooxda Naples ay dooneysaa inay heshiis cusub siiso isla markaasna ay sare u qaaddo qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa.

Qiimo gaaraya 57-milyan oo bound ayaa hadda heshiiskiisa lagu burburin karaa, waxaana Napoli ay dooneysaa inay gaarsiiso 114-milyan oo bound, balse sida wararka qaar ay sheegayaan, Zielinski waa uu ka caga jiidaya qorshaha kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea oo kaashaneysa macallinkeeda, Maurizio Sarri ayaa diyaar u ah inay dhexda u galaan Reds si ay ciyaaryahankan kaga af duubtaan, maadaama Sarri uu xiriir wanaagsan la leeyahay inta ugu badan ciyaartoyda Napoli.

Waxaa sidoo kale Blues saacidi kara rabitaanka ciyaaryahankan, kaasoo laga yaabo inuu ku qanco ka hoos ciyaaridda macallinkii hore markale.

24-jirkan ayaa xilli ciyaareedkan 7 kullan u saftay Serie A, waxaana uu ka midyahay xiddigaha laf dhabarta u ah kooxda San Paolo ka dhisan, waxaana loollankiisa uu yahay hadda mid aan meelna u dhoweyn.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan