Baro Seddex Ciyaaryahan oo ku qiimo ah Virgil Van Dijk.

0
1205

Waxaa shaaca laga qaaday seddex ciyaaryahan kuwaasi oo dhamaantooda suuqa talyaaniga ka jooga qiimihii lagu iibsaday Virgil Van Dijk.

Kooxda Liverpool ayaa horaantii sanadkan soo qaadatay difaaca reer Holand ee Virgil Van Dijk kaasi oo ay kala soo wareegeen kooxda Southampton.

Ciyaaryahan Van Dijk ayaa ku yimid garoonka Anfield lacag gaareeysa 75M haddaba waxaa lasoo saaray ciyaartooy ku qiimo ah laacibkan kuwaasi oo ka ciyaara Horyaalka Seri A.

1- Nicola Milenkovic: Laacibkan difaaca ka ciyaara ayaa hogaaminaya diiwaanka Seddexdan Ciyaaryahan waana laacib mustaqbal leh kaasi oo da,diisu ay tahay 21 sano jir.

2- Milan Skriniar: Da,yarka kooxda Inter Milan ayaa goorhore waxaa laga soo gudbiyey dalabyo inkastoo kooxda Nera Azzuri ay sheegtay in laacibkan ay ku fasixi doonta kaliya 75M.

3- Alessio Romagnoli: Kabtanka Kooxda Ac Milan ayaa si layaab leh ugu soo muuqday liiskan waxaana lagu heli karaa 75M.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan