24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

0
1970

 

Qodobka 1-aad: Kooxda Man United ayaa wax kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegayo in qoyska Glazer ee naadigan iska leh kooxda iska iibinayaan, waxaana lala xariiranayaa United inuu iibsan doono amiirka reer Sacuudi Mohammad bin Salman oo £4 billion ($5bn) ku doonayo inuu kooxda ku iibsado.

Qodobka 2-aad: Kooxda Juventus ayaa dabagal xoogan ku heyso daafaca naadiga Benfica Alex Grimaldo waxaana lagu heli karaa €35 million (£31m/$41m).

Qodobka 3-aad: Olivier Giroud ayaa sheegay inuusan marnaba ku fikirin Chelsea isaga tago xagaagii dhawaa inkastoo weeraryahankan boos joogto ah Blues ka heesanin.

Qodobka 4-aad: Patrick Cutrone ayaa si rasmi ah qandaraaska Milan ugu dheereeyay wuxuuna lasii joogi doonaa ilaa June 2023, heshiiskan wax lacag lagu jebin karo ma dul taalo sidoo kalena wiilkan sanadkii 1-milyan oo euro ah ayuu mushaar ahaan u qaadan doonaa.

Qodobka 5-aad: Tababare Fabio Capello ayaa ku booriyay kooxda uu horey u maamuli jiray Real Madrid inay bisha Janaayo lasoo saxiixdaan Mauri Icardi.

Qodobka 6-aad: Edin Dzeko ayaa sheegay inuusan meesha ka saareyn ku laabashada horyaalka Ingiriiska asigoo horey Man City labo heer EPL kula guuleestay.

Qodobka 7-aad: Liverpool ayaa dooneyso inay ka faa’iideesato xaalada ka dhex taagan Lorenzo Insigne iyo kooxdiisa Napoli madaama uu diidan yahay qandaraar kordhin dheeraad ah halka tababare Klopp uu rabo xidigan xagaaga dambe Anfield inuu keeno.

Qodobka 8-aad: Kooxda AC Milan ayaa bisha Janaayo dib ugu celiso Tiemoue Bakayoko kooxdiisa Chelsea madaama macalin Gattuso maamulka u sheegay in cayaaryahankan shaxdiisa ku habooneyn.

Qodobka 9-aad: Daafaca naadiga Barcelona Thomas Vermaelen ayaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in lix todobaad uu garoomada ka maqnaan doono.

Qodobka 10-aad: Kooxda Atletico Madrid ayaa dooneyso bisha Janaayo inay Cesc Fabregas qiimo jaban ku qaadato ama xagaaga dambe bilaash caasimada Spain ku keento madaama qandaraaskiisa Chelsea gabo gabo ku dhow yahay.

Qodobka 11-aad: Maamulka Barcelona ayaa isku raaceen in bisha Janaayo kooxda lagu soo kordhiyo daafac cusub balse dooqooda kowaad Matthijs de Ligt diyaar uma ahan kooxdiisa Ajax inay iibiso xili cayaareedka oo meel dhexe maraayo.

Qodobka 12-aad: Ruben Loftus-Cheek ayaa kooxdiisa Chelsea ka dalbaday in bisha Janaayo la iska fasaxo ayadoo naadiga Crystal Palace saxiixiisa dooneyso.

Qodobka 13-aad: Liverpool ayaa diyaar u ah xagaaga dambe inay si xur ah ku fasaxdo Alberto Moreno madaama qandaraas kordhin cusub daafacan laga diiday wuxuuna tababare Klopp fursad siin doonaa wiilka dhalinta yar Adam Lewis.

Qodobka 14-aad: Wiilka dhalinta yar Scott McTominay ayaa lagu wadaa qaab amaah ah bisha Janaayo inuu kooxdiisa Man United kaga tago si uu fursad uu ku cayaaro todobaad walbo u helo ilaa haatana naadiga Aston Villa ayaa lala xariirinayaa.

Qodobka 15-aad: Moussa Dembele oo khadka dhexe kaga cayaaro Spurs ayaa diyaar u ah bisha Janaayo inuu aado dalka China wuxuuna dalab ka heestaa naadiga Beijing Sinobo Guoan haddii uu Janaayo aadi waayo xagaaga dambe ayuu bilaash ku aadi doonaa marka uu qandaraaskiisa dhamaado.

Qodobka 16-aad: Giovanni Simeone oo weerarka kaga cayaaro naadiga Fiorentina ayaa jeclaan lahaa inuu kooxda Atletico Madrid ku biiro kana hoos cayaaro aabihiis Diego Simeone.

Qodobka 17-aad: Kooxda PSG ayaa dabagal xoogan ku heyso xaalada goolhaye David De Gae oo diidan inuu kooxdiisa Man United heshiis cusub u saxiixo waxayna Paris diyaar u tahay De Gae inay ka dhigto cayaaryahanka caalamka ugu mushaarka badan.

Qodobka 18-aad: Antonio Valencia ayaa diyaar u ah xagaaga dambe si xur ah inuu kooxdiisa Man United kaga tago inkasto uu heesto fursad 12-bilood dheeraad ah Old Trafford kusii joogi karo haddana dalabyo Jarmalka iyo Turkey-ga kaga imaanayo ayuu rabaa inuu dhageesto.

Qodobka 19-aad: Daafaca kooxda AC Milan Mateo Musacchio ayaa diyaar u ah dalabka naadiga Fulham inu aqbalo madaama uusan ku qanacsaneyn doorkiisa Milan xili cayaareedkan.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan