Tababare Jose Mourinho Oo Soo Cusboonaysiinaya Xiisaha Labadan Xidig Ee Reer Croatia.

0
909

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu soo warramayaa in uu dib ugu laabanayo suuqa kala iibsiga si uu kooxda u keeno xidigo kooxda ka caawin kara in ay gaarto guulo nuhiim ah.

Mourinho ayaa dareemaya cadaadis kaga imaanaya maamulka sare ee kooxda Old Trafford kuwaas oo doonaya in ay la tashtaan tababarahan reer Portugal haddii uusan kooxda ku samayn is baddal lataaban karo.

Yeelkeede, Sunday Mirror ayaa baahisay in Jose Mourinho uu soo cusboonaysiinayo xiisahabuu qabo saxiixyada xdgaha Ante Rebec iyo Ivan Perisic.

Labadan xidig ee ka ciyaara weerarka ayaa xulka Croatia u suura galiyay in ay gaaraan kama danabysta koobkii adduunka ee lagu soo idleeyay dal qaboobaha Russu, kahor inta aysan ku horkufin France oo qaadatay biladda dahabka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan