Real Madrid oo walaac ka muujineyso dhaawaca cusub ee Rapheal Varane soo gaaray

0
660

 

Kooxda Real Madrid aqbaar wanaagsan uma soo yeerin madaama daafaceeda tayada wanaagsan Rapheal Varane dhaawac soo gaaray.

Rapheal Varane ayaa dhaawac soo gaaray u diiday inuu tababarkii ugu dambeeyay xidigaha xulka France sameenayeen la dhameestirto asigoo dareemay xanuun dheeraad ah.

Real Madrid ayaa ka dalbatay xiriirka kubada cagta France in Rapheal Varane aan la cayaarsiinin kulanka adag oo ay Les Blues wajahayaan xulka Jarmalka kana tirsan tartanka UEFA Nations League.

Balse go’aanka ugu dambeeyo macalin Didier Dechamps ayaa lahaan doono in Rapheal Varane kulanka Jarmalka cayaari karo iyo in kale madaama daafacan muhiim u yahay xulka France.

Real Madrid xili cayaareedkan si wanaagsan kuma bilaabanin waxaana haatan kooxda dhaawacyo kaga maqan Isco iyo Marcelo oo dhawaan tababarka dib ugu soo laabtay sidaa darteed Rapheal Varane oo jug asigoo qabo kulanka Jarmalka la cayaarsiiyo halista ka dhalan karto ayay Madrid walaac xoogan ka muujineysaa.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan