Piatek loollankiisa oo ballaartay iyo Ingiriiska oo looga gacan haatinayo.

0
973

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa si lama filaan ah ugu soo biirtay raacdada loogu jiro weeraryahanka kooxda Genoa ee Krzysztof Piątek.

Laacibkan ayaa kusoo baxay gool dhaliye aanan la joojin karin, waxaana uu dhaliyay 14-gool xilli ciyaareedkan isagoo 10-kullan u ciyaaray koox iyo qaranba.

Keliya xilli ciyaareedkan ayuu Genoa ugu soo biirray €4.5m waxaana hadda lagu qiimeeyaa lacag ku dhow €50m.

Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Ingiriiska ayaa werrineysa in macallinka Chelsea ee Maurizio Sarri uu u sheegay kooxdiisa inay bisha Janaury lasoo waereegaan si uu beddel ugu noqdo Alvaro Morata.

Weeraryahanka Spanish-ka ah ayaa bandhig aad u liita ku qaadanaya Stamford Bridge, waxaana Blues ay ku raad joogta xiddig gool dhaliye ah kaasoo ka haqab tira baahida booska weerarka dhexe.

Tartanka xiddiggan loogu jiro ayaa ah mid aad u ballaaran, waxaana uu xiiso ka wada helayaa kooxo ay ka mid yihiin Juventus, Barcelona, Inter, Arsenal, Roma, Bayern Munich iyo Napoli.

Piatek oo magaciisa loogu dhawaaqo Pyontek ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ee gool dhaliyo dhammaan toddobada kullan ee uu ciyaaray Serie A tan iyo Christian Vieri oo Inter bandhiggaas ku sameeyay 2002-03.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan