Paris saint germain, Napoli iyo Tottenham oo dhamaantooda wada doonaya Stanislav Lobotka.

0
949

Kooxaha Paris saint germain, Tottenham iyo Napoli ayaa dhamaantooda soo bandhigay xiisaha ay u qabaan Stanislav lobotka.

Sida ay daabacday majalada Corriere dellosport kooxahan ayaa ku dagaalami doona marka lagaaro suuqa jiilaalka adeega ciyaaryahan Lobotka.

Kubadd abuurahan ayaa u ciyaara kooxda reer Spanish ee Celta Vigo waxaana uu doonayaa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan inuu soo gabagabeeyo maalmihiisii Celta.

Macalinka kooxda Napoli Carlo Amcelloti ayaa taageero weyn u ah qaabka uu u ciyaaro laacibkan reer Slovakia.

Sikastaba lobotka ayaa kusoo bilaawday Fasal Ciyaareedkan dhamaan 8 kulan oo kooxdiisu ay ka ciyaartay horyaalka laliga isagoo caawiyay kaliya 1 gool.

Stanislav Lobotka ayaa qeyb ka ah ciyaartooyda ugu wanaagsan ee Xulka Slovakia tan iyo 2016 isagoo u saftay 12 kulan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan