Maradona oo furka ku tuurray Messi, Sergio Ramos, Donald Trump, David Beckham, iyo kuwo kale oo badan!

0
2086

Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kuwii ugu wanaagsanaa ee ciyaara kubadda cagta, halka mararka qaar lagu tilmaamo mucjisadii kubadda cagta.

Diego Maradona ayaa dabci ahaan ah mid dhaleeceyn u sameeysan, waxaana Marca ay soo aruurisay ereyo iyo fikrado uu ka dhiibtay qaar ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee kubadda cagta iyo weliba madaxweynaha USA ee Donald Trump.

Muxuu Maradona ka yiri Messi

“Waa micno darro in qof suuliga aadaayo 20 jeer ciyaarta ka hor laga dhigo hooggaamiye.

“Shaki kuma jiro qiimahiisa, balse weli ma ahan sidii laga rabay”.

Muxuu Maradona ka yiri Cristiano Ronaldo

“Cristiano Ronaldo gool ayuu kuu dhalinayaa, ka dibne hal shaambo ayuu kuu iibin geynayaa.

“Waan jeclaan lahaa inuu noqdo Argentinian, Balse Messi ayaan ka jeclahay in badan.

Muxuu Maradona ka yiri Madaxweynaha Mareykanka

Maradona ayaa ku tilmaamay Donald Trump shaqsi isaga la maamusho oo ay jirto awood isaga xukunta.

Muxuu Maradona ka yiri Pele

“Neymar miyaa ka wanaagsan Messi?” ayuu weydiiyay.

“Pele waxa uu qaadan lahaa aragtida khaldan” ayuu yiri Maradona.

Muxuu Maradona ka yiri Xiriirka FIFA iyo AFA

“Waxaad u baahantihiin inaad isaga dhan aad iska tuurtaan, mid cusubna aad sameysanyihiin” ayuu u tilmaamay xiriirka kubadda cagta Argentina ee AFA.

Sidoo kale waxa uu furka ku tuurray FIFA dadka ugu magaca weyn laga soo billaabo Joao Havelange illaa Sepp Blatter.

“Waxaan Joao Havelange website-kiisa ugu yeerri lahaa Thief.com (Tuug.com).

Muxuu Maradona ka yiri Jorge Sampaoli

“Qof walba waa uu ka helay in Jorge Sampaoli uu noo la yimaado Kombuyuutarro, Daroonno iyo 14n caawiye, balse Argentina waxba ma aysan sameynin”.

Muxuu Maradona ka yiri Menotti

“Ma aanan cafinin, mana cafin doono ebid Menotti”

Muxuu Maradona ka yiri Dani Alves

“Waxa uu isku dayaa 28 cross, keliya afar ayuu ku guuleystaa.

“Isaga waa uu hadlaa maadaama uu garoonka ku jiro isagoo aanan ciyaareyn kubad, haddii aan kasii hadalno aniga waan tagayaa”.

Muxuu Maradona ka yiri David Beckham

“Inkastoo uu had iyo jeer uu ku mashquulsanyahay gabar, wuxuu waqti siiyaa inuu u ciyaaro kubadda cagta si qurux badan.

“Si kasto ay noqoto, qarankiisa ayuu wajibaadka u celiyaa”.

Muxuu Maradona ka yiri Sergio Ramos

“Ha waalina Sergio Ramos, Deigo Godin ayaa ah midka wanaagsan, wax kalena ma jiraan”

Muxuu Maradona ka yiri Real Madrid

“Real Madrid waxa ay ahaan jirtay guri ay nimanka usoo tumasho tagaan, ka hor inta uusan macallin Jose Mourinho”

Muxuu Maradona ka yiri Peter Shilton

“Waan kuu sheegayaa sirta, Shilton, waxa ay ahayd gacanteyda” ayuu qiray Maradona, kaasoo goolhayahii hore ee England ka dhaliyay goolkii caanka noqday ee uu gacanta kaga dhaliyay Koobkii Adduunka 1986.

Muxuu Maradona ka yiri Saxaafadda

“Haddii ay noqoto inaad ka hadashaan isla markaasna ay Joornaaliisteyaasha is dhex qaadaan inaan macallin u noqonaayo xulka qaranka, ka dib waan is casili doonaa”.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan