Manchester United oo Qorsheeneeysa in Qandaraaska ay u kordhiso Mid kamid ah Xiddigaheeda.

0
1025

Kooxda Manchester United ayaa dooneeysa in ay marto waddo kasta oo ay qandaraaska ugu kordhineeyso goolhaye David De gea.

Shabaq ilaaliyahan ayaa kamid ah goolhaye-yaasha ugu wanaagsan aduunka waxaana uu sameeyay bandhig cajiib ah Seddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeesay.

David De gea ayaa dalab ka heeysta kooxo badan waxaana kamid ah kooxda Real Madrid oo dooneeysa goolhaye kale kadib Cortous kaasi oo suuqii xagaaga ay kasoo qaateen naadiga chelsea.

Sida ay daabaceen Majaladaha kasoo baxa wadanka Spain Manchester United ayaa diyaar u ah xitaa in xiddigan ay ka dhigto laacibka ugu mushaarka badan ee kooxda.

Haatan waxaa Manchester United ugu mushaar badan ciyaaryahanada kala ah Alexis Sanchez iyo laacibka reer france ee paul pogba.

De gea ayaa Manchester United kaga soo dhaqaaqay kooxda Atletico Madrid sanadkii 2011 isagoo ka hoos shaqeeyay macalimiin badan sida SAF,Van gaal iyo David Moyes.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan