Luke shaw Oo Qandaraas Waqti Dheer Ah U Saxiixaya Kooxdiisa Manchester United.

0
665

Daafacan heerka caalami ee reer England ayaysan isku wanaagsaneen tababraha kooxda Old Trafford Jose Mourinho kaas oo xidigan ku dhaleeceeyay dadka hortooda.

Luke Shaw ayaa waxaa tayadiisa waxaa hoos u dhigay dhaawacyo hareeyay waayihiisa ciyaareed, taas oo keentay in uu shaki galo mustaqbalkiisa Red Devils.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda Sunday Express ay shaaca ka qaaday in Luke Shaw qarka u saaranyahay in uu shan sano oo heshiis cusub ah qalinka uvu duugo Manchester United.

Manchester United ayaan waqtigan diyaar u ahayn in ay iska sii dayso qaar kamid ah xidigaheeda tayada leh maadaama ay kooxdu kudhex marxalad adag oo ku aaddan dhanka maamulka iyo guulo xiriir ah oo aysan kooxdu gaari karin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan