GUARDIOLA: ‘Waan Jeclahay Hannaan Ciyaareedka Kooxda Sassuolo.

0
1407

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City oo lahadlayay warbaahinta ayaa tusaale usoo qaatay koox yar oo ka ciyaarta Serie A in ay kamid tahay kooxaha ugu kubadda wacan talyaaniga.

Tababarahan 47-jirka ah ayaa taageeray fikirkii tababare Carlo Ancelotti ee ku aadanaaa in kooxaha yar-yar ee Serie A ay soo kabanayaan oo ay soo bandhigayaan kubad adag

“Waan ku raacsanahay Carlo. Marka aan arko Sassuolo, waxa ay isiinaysaa fikrad muujinaysa kubad soo jiidasho leh.” Ayuu yiri Guardiola.

Laga yaabee in ay tani layaab kunoqoto dadka qaar, balse tani waxay muujinaysaa in tababarihii hore ee kooxda Barcelona iyo Bayern Munchen uu u kuur galo uun daraaseeyo xitaa waqtigiisa firaaqada.

Xilli kooxda tababare De Zerbi ee Sassoulo ay xilli ciyaareedkan samaynayso mid kamid ah bandhiyadeedi ugu layaabka badnaa

Kooxda lagu naynaaso Neroverdi ayaa fadhisa booska 13-aad ee kala sarraynta Serie A, kadib 8-kulan oo ay ka ciyaareen horyaalka, iyaga oo xilli ciyaareedkan garaacay kooxda Inter Milan.

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan