Cristiano Jr oo Dhaliyay Gool ka farxiyay Cristiano Ronaldo.

0
1923

Superstarka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo wiilkiisa Cristiano Jr ayaa sii wata bandhigiisa wanaagsan ee kooxda da,yarta ah ee Bianconeri.

Cristiano Ronaldo waxuu suuqii xagaaga kasoo dhaqaaqay kooxda Real Madrid oo Muddo sanado barwaaqeesan ah uu kusoo qaatay garoonka Santiago.

Sikastaba wiilka u dhalay Ronaldo ee Cristiano Jr ayaa maanta gool aad u qurux badan shabaqa dul dhigay ciyaar uu sheedha sare ka daawanayey Kabtanka Xulka Portugal.

Cristiano Jr haatan waa 8 sano jir waxaana uu kamid yahay ciyaartooyda da,da yar ee mustaqbalka ifaayo ku dhex leh saxaaxada kubadda cagta.

Ronaldo ayaa ku faanay goolka uu dhaliyay wiilkiisa isagoona inta badan soo dhigay ciwaanada uu ku leeyahay baraha bulshada.

SHARE