Chelsea oo £20m ku dooneyso xidig Juventus saxiixiisa qal qaalo ugu jirto

0
1397

 

The Sun ayaa qortay in kooxda Chelsea ay diyaarisay dalab £20m inay kusoo qaadato bisha Janaayo cayaaryahan Juventus qal qaalo ugu jirto saxiixiisa.

Sandro Tonali oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Brescia ayuu macalin Sarri ka dalbaday maamulka Chelsea in bisha Janaayo loo soo gacan galiyo madaama uu hormar cayaareed oo wacan sameenayo wiilkan.

Macalin Maurizio Sarri wuxuu u arkaa Sandro Tonali inuu badal u noqon karo Cesc Fabregas oo sii duqoobayo sidoo kalena Chelsea diidan tahay heshiis cusub inay ka saxiixdo marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Sandro Tonali oo 18-jir ah wuxuu ka tirsan xulka Italy ee da’dooda ka hooseyso 19-sano wuxuuna waqti wacan la qaadanayaa naadiga Brescia.

Kooxda Juventus ayaa qal qaalo ugu jirto helista Tonali waxayna u arkaan in Marco Veratti cusub inuu wiilkan yahay waxaana xusid mudan in Veratti isla naadigan Brescia ee Tonali ka tirsan yahay kusoo caan baxay.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan