Blaise Matuidi oo Difaacay laacibka Kooxda Barcelona Osmane Dembele.

0
1330

Laacibka kooxda Juventus Matuidi ayaa difaacay ciyaaryahanka garbaha ugu ciyaara kooxda Barcelona Osmane Dembele.

Osmane Dembele ayaa si ka wanaagsan Xilli Ciyaareedkii hore ku bilaawday fasal ciyaareedkan inkastoo booskiisa uu kula xifaaltamayo ciyaaryahano badan.

Blaise Matuidi iyo Dembele ayaa ah saaxiibo dhaw kuwaasi oo u wada ciyaara xulka uu hogaamiyo macalin didier Dechamps ee France.

Sikastaba laacibka Bianconeri Matuidi ayaa la hadlay saxaafada waxaana uu yiri,” Waan ku faraxsanahay waa uu sameenayo osmane Dembele, waa laacib tayo iyo hal abuur leh” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Matuidi.

Dembele ayaa 10 kulan kasoo muuqday xilli ciyaareedkan kooxdiisa Barcelona isagoo u dhaliyay 5 tartamada oo dhan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan