Ac Milan oo dooneeysa in ay qandaraaska u kordhiso Mid kamid ah Xiddigaheeda.

0
630

Kooxda Ac Milan ayaa dooneeysa in qandaraaska ay u kordhiso laacibka kubadda u burburiya ee Lucas Biglia.

Lucas Biglia ayaa kamid ah Ciyaartooyda ugu muhiimsan ee kooxda Milan waxaana bandhigiisa ku qanacsan macalin Gattuso.

Xilli ciyaareedkan waxeey ku bilaabatay kooxda Milan si wanaagsan marka lala barbar-dhigo fasal ciyaareedkii hore.

Sikastaba Laacibka reer Argentina lucas Biglia ayaa shaqsiyan ka fikiraya in qandaraas cusub uu saxiixo iyo inkale maadaama uu dalab ka helay kooxo waaweyn.

32 sano jirkan qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa waxa uu dhacayaa sanada 2020ka waxaana kooxda Milan ay dooneeyaaa in ay gaarsiiso heshiiskiisa ilaa iyo 2021.

Biglia ayaa horyaalka Seri A Sanad ciyaareedkan kasoo muuqday 7 kulan waxaana uu sidoo kale ciyaaray koobka Uefa Europe league.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan