24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

0
3028

Qodobka 1-aad: Eden Hazard oo wacad ku maray si qasab iyo xoog ah inuusan Real Madrid ku aadi doonin balse si maamulka Chelsea raali ku yihiin ku bixi doono xagaaga dambe.

Qodobka 2-aad: Romelu Lukaku ayaa amaan usoo jeediyay kooxda Juventus qaabka ay u abaabulan tahay wuxuuna sheegay inuu mar un ku fikiraayo ka cayaarista Serie A-da Talyaaniga.

Qodobka 3-aad: Tababare Sarri ayaa qirtay inuu u xiisay la shaqeynta Gonzalo Higguin sidoo kalena aad u wacnaan laheyd inay xiligaan Chelsea isla wada joogaan.

Qodobka 4-aad: Inter Milan ma joojin doonto ugaarsiga ay Luka Modric ku heyso waxayna isku dayi doontaa bisha Janaayo inay gacanta kusoo dhigto ama xagaaga dambe.

Qodobka 5-aad: Pep Guardiola ayaa culeeska ka dajiyay kooxdiisa Man City kana dhawaajiyay in City aysan ka mid ahayn kooxaha loo sadaalinaayo inay xili cayaareedkan inay Champion-ka ku guuleesan karaan.

Qodobka 6-aad: Cayaaryahan Adrien Rabiot ayaa iska diiday dalab Barcelona kaga yimid wuxuuna diyaar u yahay 23-jirkan inuu kooxdiisa PSG lasii joogo oo uu heshiis cusub u saxiixo.

Qodobka 7-aad: Kooxda Napoli ayaa 60-milyan oo euro ah ku dooneyso weeraryahanka reer Poland ee Serie A-da wacdaraha ka dhigaayo Krzysztof Piatek kana tirsan Genoa.

Qodobka 8-aad: Man United ayaa kalsooni weyn ka muujineyso ku guuleysiga loolanka loogu jiro saxiixa Aaron Ramsey oo qandaraaskiisa Arsenal dhamaadka xili cayaareedkan ku eg.

Qodobka 9-aad: Kooxda AS Roma ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca dhalinta yar naadiga Ajax iyo Holland Matthijs de Ligt.

Qodobka 10-aad: Tababare Ernesto Valverde oo diidan heshiis cusub inuu Barcelona u saxiixo wuxuuna rabaa inuu Camp Nou isaga tago marka uu qandaraaskiisa dhamaadka xili cayaareedkan ku eg ka dhaco.

Qodobka 11-aad: Grathe Bale ayaa diyaar u ah inuu iska diido dalabyo heer sare ah oo Man United iyo Chelsea dhankooda kaga imaanayo xili uu rabo hogaamiyaha kowaad Real Madrid noqdo sidoo kalena uu saxiixo heshiis waqtigiisa dheer yahay.

Qodobka 12-aad: Tottenham ayaa gacan ku gambad ah madaama cayaaryahankeeda Christian Eriksen diidan yahay qandaraaskiisa 2020 ku eg inuu kordhiyo taasina waxay Spurs ku qasbi doontaa xagaaga dambe inay Real Madrid ka iibiyaan Danish-kan.

Qodobka 13-aad: Kooxaha Borussia Dortmund, RB Leipzig and Paris Saint-Germain ayaa ku tartamayan saxiixa wiilka Man City usoo baxay Phil Foden madaama 18-jirkan qandaraaskiisa 20-bilood qura ka harsan yahay.

Qodobka 14-aad: Kooxda Chelsea ayaa u bandhigtay cayaaryahankeeda N’Golo Kante heshiis waqtigiisa dheer yahay iyo mushaar kordhin ayagoo ka cabsi qabaan in PSG xidigan la wareegto xagaaga dambe.

Qodobka 15-aad: Kooxda Arsenal ayaa dabagal ku heyso xidiga naadiga Bayer Leverkusen Kai Havertz iyo Ismaila Sarr oo naadiga Rennes ka tirsan.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan