Xilliga uu ka tagi doono Juventus iyo kooxda uu ku biiri doono Cristiano Ronaldo oo la ogaaday!

0
2852

Suuqii xagaaga ayaa uu Cristiano Ronaldo ku biirray kooxda Juventus, taasoo noqotay saxiix weyn oo ay heleen horyaalka Serie A.

Ronaldo ayaa si wanaagsan ku billawday waayihiisa Bianconeri, inkastoo dhowaanahan magaciisa waxaa hareeyay kiis kufsi ah oo lagu soo eedeeyay.

Sida laga soo xigtay majaladda Spanishka ah ee Don Balon oo iyadane soo xiganeysa Illbianconero ayaa werrineysa in Captain-ka Portugal uu tixgelinayo u dhaqaaqista horyaalka MLS-ka mareykanka.

Majaladda ayaa intaas ku dareyso in Ronaldo uu qorsheynayo inuu Turin sii joogo xilli ciyaareed kale.

Ka dib xilli ciyaareedkiisa labaad, waxa uu u hawo geddisan doonaa horyaalka Mareykanka halkaas oo ay kooxda Orlando City ku sugeyso.

Orlando ayaa Xiddiggii hore ee Manchester United iyo Real Madrid u diyaarisay qandaraas laba sano ah oo uu sanadkiiba ku qaadan doono 50 million oo Euros, waxaana uu noqon doonaa ciyaaryahanka ugu mushaarka badan dunida.

Qorsha Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay marka uu kubadda cagta ka fariisto inuu qayb ka gato kooxda ka ciyaarta horyaalka MLS-ka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan