RASMI: Thierry Henry Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub ee Kooxda AS Monaco.

0
576

Kooxda kubadda cagta AS Monaco ee ka ciyaarta horyaalka Ligue 1-ka dalka France ayaa si rasmi ah tababaraheeda cusub ugu magacawday xidigii hore ee Arsenal iyo Barcelona Thierry Henry.

Henry aya kooxda Monaco usoo ciyaaray waqtigis dhallinyaranimada kahor inta uusan sannadii 2001 kubiirin kooxda uu tayadiisa ciyaareed kusoo bandhigay ee Arsenal.

Henry ayaa u ahaa tababaraha xulka  Belgium Roberto Martinez markaas oo xulka Red Devils ay gaareen Semi Finalka koobkii adduunka ee lagu soo idleeyay dal qaboobaha Russia.

Si kastaba ha ahaatee, sida lagu baahiyaya bogga rasmiga ah ee AS Monaco kooxda reer France ayaa macallinkeeda cusub u magacaawday Thierry Henry kaas oo qalinka ku duugay heshiis uu kooxda kusii joogayo tan iyo sannadda 2021.

Hennry ayaa baddali doono tababare Leonardo Jardim kaas oo shaqada oo kooxda Monaco laga eryay asbuucii lasoo dhaafay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan