Oliver Kahn iyo sida uu 100-kulan UEFA Champions League ku cayaaray

0
630

 

Oliver Kahn oo sanadii 2001 Bayern Munich kula guuleestay UEFA Champions League waa cayaaryahanka labaad ee shabakada UEFA maqaal ka sameyso oo ay kaga hadleyso kuwa 100-kulan iyo ka badan Champion-ka cayaareen.

Oliver Kahn Iyo Sida Uu 100-kulan ku cayaaray:

Kulamada: 103

Goolasha: 0

Kulamada uu shabaqa ilaashtay: 34

Oliver Kahn Bandhigiisii Ugu Fiicnaa Champion-kaa: waa sanadii 2001 iyo koobkan inuu Bayern Munich kula guuleestay.

Oliver Khan Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa wuxuu awood ku lahaa kubadaha fool ka foolka ah inuu cayaartooyda kasoo horjeedo ka celin jiray wuxuuna Champion-ka kasoo muuqsay 11-xili cayaareed oo isku xigto.

Oliver Khan 14-sano ayuu ahaa goolhayaha kowaad ee kooxda Bayern Munich, waqtigiisa ugu wacan kubada cagta wuxuu qaatay intii u dhaxeesay 1999 ilaa 2002.

1999 si niyad jab ku dheehan labo daqiiqo gudahiisa Man United ayaa Kahn iyo kooxdiisa Bayern Champion-ka kaga qaaday balse labo sano kadib ayuu koobka dhagaha weyn gacanta ku dhigay asigoo Valencia rigoorayaal kaga qaaday. weliba sedex rigoore ayuu cayaartooyda Valencia ka celiyay.

Sidoo kalena koobkii aduunka 2002 cayaaryahanka ugu wanaagsanaa ayaa loo doortay asigoo xulka Jarmalka fiinaalka soo gaarsiiyay inkastoo cayaartii fiinaalka qalad uu galay xulkiisa Brazil koobka 2-0 kaga qaaday.

Maxay Ka Dhaheen Dadka Caanka Ah Ee Goolhaye Kahn Lasoo Shaqeeyeen:

Sepp Maier goolhayihii hore Bayern iyo Jarmalka Galbeed: Waligey ma arkin qof Oliver Kahn oo kale kaasi oo dhinac walbo 100% ka dhameestirnaa isku diyaarinta cayaarta iyo sida uu xirfadiisa kubada cagta daacad ugu ahaa. Marwalbo wuxuu rabi jiray inuu noqdo kan ugu wanaagsan uguna saameynta badan marka uu garoonka ku jiro.

Ottmar Hitzfeld macalinkii hore Bayern: Oliver Kahn and Manuel Neuer waa labo goolhaye oo dhameestiran laakiin Oliver Kahn ayaa ku fududaa fal celinta kubada marka si lama filaan ah goolhayaha loogu soo rido asigoo xariiqdiisa goosha taagan.

Bastian Schweinsteiger cayaaryahankii hore Bayern iyo Jarmalka: Sanadii 2002 ayaa Oliver Khan la ii baray. Maalintaas waxaan fariistay qolka labiska kursigiisa midka ku xigay. Markii ugu horeesay ee uu ila hadlay waxay ahayd sanadii 2005!”

Nico Patschinski weeraryahankii hore naadiga St Pauli: Waxaa kuu wanaagsan inaad ka fogaatay Oliver Kahn kuna dabaal degtid meel uusan ka dhaweyn!”

Iker Cassillas goolhayihii hore Real Madrid iyo Spain: Waxay ugu yeeraan King Kahn, ama cirfiid taasi oo muujineyso sida uu u awood badnaa. Ma aqaan goolhaye haddii sidaas loo buun buuniyo sida uu bandhig fiican u joogteyn karo. Laakiin hubanti ahaan Kahn wax walbo oo lagu tilmaamay wuu ahaa madaama marnaba bandhigiisa goolhayenimo is dhimin.”

Dhamaad. 

Andriy Shevchenko iyo sida uu 100-kulan EUFA Champions League ku cayaaray xogtaas saad u heshid fadlan RIIX HALKAAN

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan