Maxaad kala socotaa 10-ka ciyaaryahan ee ugu xawaaraha sarreysa horyaalka Premier League-ga!

0
2320

Horyaalka Premier League ayaa ah horyaal ay u qaas tahay in kubadda aysan helin wax nafis ah, waxaana ka ciyaara qaar badan oo ka mid ah xirfadlayaasha kubadda cagta kuwooda ugu xawaaraha dheerreeya.

Magacyada Mohamed Salah, Hector Bellerine iyo Theo Walcott maankaada soo galaya inay ku jiraan liiskan, hase ahaatee midkooda kama uusan soo muuqanin.

Xogtan waxa ay qiimeyneysaa xiddig walba xawaarahii ugu badnaa ee uu hal kullan ku orday siddeedda kullan ee illaa hadda laga ciyaaray horyaalka Ingiriiska.

Romelu Lukaku ayaa safka hore kasoo galay liiskan, isagoo meesha kala baxay ciyaartoy badan oo maskaxdaada laga yaabo inay ka dhex guuxayaan.

Haddaba liiskan ayaa ay ciyaartoydu u kala horreeyaan

10. Ryan Fredericks oo ka tirsan West Ham United ayaa ku orday 34.767 km/h kullan uu wajahay Arsenal.

9. Aaron Lennon oo u ciyaara Burnley ayaa ku orday 34.826 km/h kullankii kooxdiisa la ciyaartay Southampton.

8. Kyle Walker oo ka mid ah Manchester City ayaa ku orday 34.845 km/h kullankii Arsenal la ciyaareen.

7. Terence Kongolo oo u ciyaara naadigfa Huddersfield Town ayaa ku orday 34.853 km/h ciyaartii kooxdiisa ka hortagtay Tottenham Hotspur.

6. Helder Costa oo naadiga Wolverhampton ka tirsan ayaa ku orday 34.853 km/h kullankii Manchester United.

5. Willian oo ka mid ah kooxda Chelsea ayaa ku orday 34.892 km/h kullankii ay la ciyaareen Cardiff City.

4. Romelu Lukaku oo ka tirsan kooxda Manchester United ayaa ku orday 34.894 km/h kullankii Watford ay la qaateen.

3. Ryan Sessegnon oo u ciyaara Fulham ayaa ku orday 34.913 km/h kullankii Manchester City ay wajaheen.

2. Dominic Clavert-Lewin oo Everton ka tirsan ayaa ku orday 34.935 km/h markii ay ka hor tageen Southampton.

  1. Isaac Mbenza oo Huddersfield Town u ciyaara ayaa ku orday 34.953 km/h kullankii Burnley ay la ciyaareen.
SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan