Maxaad ka taqaanaa Shanta ciyaaryahan ee ugu caansan kuwaasoo diiday inay ka ciyaaraan Premier League!

0
1559

Sida caadiga ah, horyaalka Premier League-ga ayaa ah mid ay aad u jecelyihiin ciyaartoyda heerka sare ee kubadda cagta, maadaama xilligan ay heystaan kooxo badan oo milkiyaddooda u tiirsantahay maalqabeenno shisheeye.

Balse ma ahan riyada ciyaaryahan walba, waxaana jira xiddigo badan oo iska diiday inay ka ciyaaraan horyaalka Ingiriiska.

Haddaba sheekadan waxaan kusoo qaadaneynaa Shan xiddig oo iska diiday ku biiritaanka kooxaha Ingiriiska iyo inay gebi ahaan ka ciyaaraan horyaalka England.

5. Ginzalo Higuain- Weeraryahanka Argentina ayaa xagaagan ku biirray kooxda AC Milan ee dalka Italy, isagoo xiiso waalli ah ka helayay kooxda Chelsea oo heshiis fiican usoo bandhigtay, balse waxa uu doortay inuu kasii ciyaaro Serie A.

4. Kaka-Kubbad abuurihii Brazil ayaa iska diiday kooxda Manchester City xagaagii 2009, xilli kooxda reer England ay Milan ku qancisay £100m, balse Kaka ayaa ka doorbiday Real Madrid.

3- Gianluigi Buffon- Mid ka mid ah ciyaartoyda ugu daacadsan ee hal koox waqtigooda ku qaatay ayuu ka midyahay waxaana uu dhowr jeer iska diiday dalabaad kaga yimid horyaalka Ingiriiska.

2- Paolo Maldini- Xirfaddiisa kubadda cagta waxa uu ku qaatay AC Milan, difaacii hore ee taliyaaniga ayaa dalabaad ka helay saddex koox oo Ingiriis ah, isagoo hoos u dhigay wicitaan kaga imaaday Sir Alex Ferguson.

1- Ronaldinho- Waxa uu ka midyahay saxiixyadii ugu yaabka badnaa ee suuqa kala iibsiga lagu kala qaatay qarnigan, waxaana uu qarka u fuulay inuu ku biiro Manchester United, balse sida uu Dinho xaqiijiyayba, waxa uu door biday inuu u wareego kooxda Barcelona.

Waxaa xusid mudan in PSG ay aqbashay £30m.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan