Maxaa kasoo kordhay dhaawaca Mohamed Salah soo gaaray xili uu Masar u cayaarayay

0
1330

 

Cayaaryahan Mohamed Salah dhaawac dhanka muruqa ah ayaa soo gaaray kulankii Masar 4-1 guusha kaga qaateen xulka Swaziland cayaar ka tirsaneyd isreeb reebka koobka qaramada Afrika 2019 lagu balansan yahay in Cameron marti galiso.

Inkastoo Salah uu gees ka laad ama koorno toos ah kulankan dhaliyay haddana qaybihii ugu dambeeyay cayaarta dhaawac dhanka muruqa ah ayaa soo gaaray kaasi oo walaac galiyay taageerayaasha reer Masar iyo kooxda Liverpool.

Haatan xiriirka Masar waxay shaaca ka qaadeen in Salah xaalad ahaan wanaagsan yahay sidoo kalena loo fasaxay inuu dib ugu laabto kooxdiisa Liverpool si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Salah kama qayb qaadan doono kulanka Talaadada xulka Masar la cayaari doonaan isla xulka Swaziland waana aqbaar u wanaagsan kooxda Liverpool si uu xidigan uga qayb qaato kulanka sabtiga dambe Reds la cayaareyso naadiga Huddersfield Town.

Tababaraha xulka Masar Javier Aguirre ayaa Salah u ogolaaday inuu Liverpool dib ugu laabto si uu nasiino u helo ugana soo kabto jugta dhanka muraqa kasoo gaartay ayadoo tababare Jurgen Klopp arintan siweyn usoo dhaweeyay.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan