MAURO ICARDI: “Kulanka Brazil Iyo Argentine Ma AHan Mid Saaxiibtinimo.”

0
1776

Weeraryahanka iyo kabtanka Inter Milan ayaa noqday xidig joogto ah oo katirsan xulka qaranka Argentine kadib markii aan looga wicin waqti dheer.

Waqtigan, 25-jirkan ayaa ka gudbay heerka kooxaha isaga oo kamid noqday xulkiisa qaranka Argentine oo uu safan doono kulamada soo aaddan.

“Aad ayaan u wanaagsanahay, waqtigan waxaan ku suganahay jawi wanaagsan, si buuxda ayana ula tababaranayaa kooxda.”ayuu Icardi usheegay warbaahinta.

“Argentine iyo Brazil waligood ma aysan ciyaarin kulan saaxiibtinimo. Waxaa jirta caadifad badan, laciyaarista Brazil waxa ay inoo leedahay muhiimad wayn.

“Marka laga soo tago taas, ma ahan ciyaar saaxibtinimo marka latago gudaha garoonka, waligeedna manoqon doonto.

“Kooxdu waxa ay u diyaar garoobaysaa sidii ay u gaari lahayd guul muhiim ah, taas oo looga bahanyahay gudaha garoonka.” Ayuu hadalkiisa kusoo afmeray kabtanka Inter Milan.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan