Laaicbkan Katirsan Manchester City Oo Bisha January Kubiiri Kara Napoli.

0
973

Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa lagu soo warramayaa in ay bisha January gacanta kudhigi karto da’yarka Manchester City daafaca bidixi kaga ciyaara ee Oleksandr Zinchenko.

Zinchenko ayaa kamid ah xidigaha kadhaqaaqi kara kooxda tababare Guardiola maadaama uusan haysan booska koobaad ee kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium.

Xidiga reer France ee Benjamin Mendy ayaa inta badan kusoo bilaawda booska danabeedka daafaca ee Manchester City taas oo meesha kasaaraysa in Zinchenko uu kusii qancsanaadi kursiga kaydka.

Yeelkeede, majaladda Sun Sport ayaa shaaca ka qaadday in xidiga gadoodka ka ah Manchester City ee Oleksandr Zinchenko uu kubiiri karo bisha January kooxda Serie A ka ciyaarta ee Napoli.

Napoli ayaa doonaysa xidig ka ciyaari kara danbeedka sibay ugu xoojiso safkeeda, maadaama ay doonayso in ay meelo wacan kagaarto Serie A iyo UEFA Champions League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan