Jose Mourinho oo doonaya inuu jebiyo rikoorka ciyaaryahanka ugu qaalisan Manchester United! Waa kuma xiddigga sidaas daruuriga ugu ah!

0
1650

Macallinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu lacagaha ugu badan kusoo qaato xiddigga kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic.

Gorgortan labada koox dhex maray suuqii xagaaga ee aan kusoo gudubnay isla markaasna ku kacayay £80m ayaa burburay oo la isku af garan waayay.

Balse xilliga la joogo, United weli kama aysan harin baacsiga xiddigga khadka dhexe ku dagaallama, waxaana SunSport ay werrineysaa in Macallin Jose uu u daawasho tagay kullankii Serbia 2-0 khamiistii ku dubatay Montanegro si uu usoo daawado SMS.

Macallinka Portugues-ka ah ayaa qiray inuu rabo laacibkan ka hor billaabashadii Koobka Adduunka, balse duruufo lacageed awgeed waa ay u suurto geli weysey.

Marka dib u furmo suuqa kala iibsiga bisha January ayuuna sheegay inuu isku dayi doono inuu lasoo wareego, balse heshiiska cusub ee uu bishan saxiixay ayaa dhibaato hor leh kusii noqoneyso.

Weeraryahankii hore ee Chelsea, Mateja Kezman kaasoo ka mid ahaa saxiixyadii ugu horreeyay ee Mourinho xilligiisii ugu horreeyay ee Chelsea ayaa 23-jirka reer Serbia wakiil u ah, waxaana Macallinkan uu doonayaa inuu Kezman u kaashado saxiixa Milinkovic-Savic.

SMS ayaa garaaci kara rikoorka Paul Pogba ee ah inuu yahay xiddigga ugu qaalisan ee Red Devils ebid soo iibsato isagoo Juventus 2016 kaga yimid £89m, balse kubbad sameeyaha France ayaa mugdi weyn uu ku jiraa mustaqbalkiisa.

Laacibka Lazio ayaa lammaane wanaagsan Nemanja Matic kula ah qaranka Serbia, waxaana Jose uu rabaa inuu Old Trafford ku lammaaniyo labadooda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan