HT: Van Dijk oo dharbaaxada ku billaabay Jarmalka!

0
1204

Xulka qaranka Netherlands ayaa hooggaanka u haya ciyaarta xiisaha badan ee ay garoonka Johan Cruijff kula qaadanayaa xulka qaranka Germany.

Labada xul ayaa wada raadinaya guushoodii ugu horreysay ee tartanka UEFA Nations League, iyagoo daba rucleynaya xulka hooggaanka u haaya Groupkooda ee France.

Ciyaarta ayaa si wanaagsan ku billaabatay, labada xulna fursado dhowr ah ayay sameeyeen, iyadoo ay muuqato in Jarmalka uu yara xoog roonyahay.

Difaaca Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa goolka ay hooggaanka ku hayaan wiilasha Ronald Koeman dhaliyay, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Joachim Loew iyo xulkiisa ayaa raadinaya goolka bareejada, si ay ugu yaraan dhibic kale ay u helaan.

Garsoore Cunayt Cakir oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ciyaartan dhex dhexaadinaya kaasoo qaybtii hore ee ciyaarta aanan wax calaamad ah bixinin.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan