FT: Muxuu ku dhammaaday kullanka caawa dhex maray Netherlands iyo Germany!

0
1878

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay Netherlands hooggaanka ku hayeen.

Captainkooda Virgil Van Dijk ayaa goolka ku billaabay Jarmalka taasoo billaw u noqotay in xulka Oranje ay ku baashaalaan Germany.

Balse markii la isu soo laabtay ayay Holland si toos ah ugu taqalluseen xulka Macallin Joachim Loew.

Ku guuleystayaasha Koobka Adduunka ee 2014 ayaa isku dayo badan u sameeyay si ay usoo bareejeeyaan goolka loogaga hooggaaminayo.

Balse dhammaadkii ciyaarta, Memphis Depay iyo Giorginni Wijnaldum ayaa quusiyay Germany kuwaas oo hadda dhibic qura kaalinta ugu hooseysa Groupkooda.

Netherlands ayaa guushan ay u tahay mid muhiim u ah, waxaana hadda ay kaabiga kusoo qabatay France oo hal dhibic ka sarreyso.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan