Diego Maradona oo weerar ku qaaday Messi “Hogaamiye ma noqon karo nin 20-jeer qubeesanayo!”

0
1114

 

Hogaaminta Lionel Messi iyo inuu xulka Argentina kabtan u ahaado waxaa dood xoogan ka keenay halyee Diego Maradona oo inta badan Messi dhaliil la daba taagan.

Maradona oo Argentina u qaaday koobkii aduunka 1986 ayaa aaminsan in Messi marnaba hogaamiye noqon karin madaama uu nafsadiisa ku mashquulsan yahay.

Maradona wuxuu yiri “Waxa gudaha garoonka ka dhaco saaxiibadiisa kama wareesto sidoo kalena cayaaraha ka hor xog wareysi ma galo balse Play Station ayuu iska cayaaraa”

“Aniga ahaan wax micno ilama lahan in la sugo mar labaad Messi kabtan ama hogaamiye looga dhigo Argentina madaama uu isaga isku mashquulsan yahay oo uu 20-jeer ka badan qubeesto kulan walbo inta aan la cayaarin!”

“Ma jirto sabab cadaadis lagu saaro Messi waa Messi marka uu Barcelona u cayaarayo sidoo kalena Messi waa isla Messi marka uu Argentina u cayaarayo laakiin hadda iima muuqdo Messi-gaas sidaa darteed hogaan kale Argentina ha sameestaan.”

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan