Deg Deg: Thiery Henry oo aqbalay shaqada tababerinnimo ee AS Monaco!

0
689

Weeraryahankii hore ee Arsena, Thiery Henry ayaa heshiis la gaaray kooxda AS Monaco si uu beddel ugu noqdo macallinka shaqada laga eryay ee Leonardo Jardim sida Sky laga soo xigtay.

Jardim ayaa toddobaadkii tagay dhammaadkiisii laga buriyay shaqada Monaco ka dib hoos u dhac aan caadi ahayn ee ay kooxda gashay.

Kooxda Ligue 1 ka ciyaarta ayaa xilli ciyaareedkii 2016-17 gaartay wareegga Semi-Finalka Champions League-ga, balse taas caksigeeda waxa ay hadda fadhiyaan kaalinta 18-aad ee horyaalka iyadoo keliya hal guul gaartay sagaalka ciyaar ee sanad ciyaareedkan u horreysa.

Tani waxa ay Henry u noqoneysaa in markii ugu horreyso uu noqdo macallin rasmi ah, inkastoo uu caawiye u ahaa Macallinka Belgium-ka ee Roberto Martinez.

Halyeeygii France ayaa dhowaanahan lala xiriiriyay shaqada kooxda Aston Villa oo laga raacdeeyay Steve Bruce, ka hor inta uusan Dean Smith la wareegin shaqadaas.

Xiddiggii hore ee Arsenal iyo Barcelona ayaa isaga tagay shaqada falanqeynta ee Sky Sport waxaana markaas uu caddeeyay inuu xoogga saarayo si uu macallin u noqdo.

Monaco waa halkii uu Henry kasoo billaabay xirfaddiisa kubadda cagta, waxaana uu hadda noqonayaa Macallinkooda cusub.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan