Croatia 0-0 England- Rikoorradii laga qoray!

0
621

Xalay waxaa xulka qaranka Croatia uu la ciyaaray dhiggiisa England oo marti u ahaa ciyaar natiijadeedu ay goolal la’aan ku dhammaatay.

Kullankan ayaa ka tirsanaa kullamada EUFA Nations League gaar ahaa horyaalka A Group-kiisa 4-aad.

Haddaba rikoorrada ugu muhiimsan ee ciyaartan laga diiwaan geliyay ayaa ah:

  • Jadon Sancho oo xalay saftay kullankiisii ugu horreeyay ee tartan rasmi ah isagoo jira 18 sano iyo 201 maalmoo ayaa noqday xiddiggii labaad ee ugu da’da yaraa England u safto tartan Rasmi ah, keliya Duncan Edwards ayaa ah laacibka keliya ee da’daas wax ka yar ugu saftay qaranka Ingiriiska tartan rasmi ah waxaana xilligaas uu jiray 18 sano iyo 183 maalmood, waxaana ay ahayd April 1955.
  • Qaybtii hore ee ciyaarta England keliya hal darbo ayay sameeyeen, waana tirada darbo ee ugu yar ee oo ay qaybta hore tuurraan tan iyo June 2015.
  • Tan iyo guushii 2-1 ay ka gaareen England wareeggii Semi-Finalka Koobka Adduunka, Croatia ma aysan gaarin wax guul ah, 4 kullan oo ay ciyaareen laba bareejo iyo laba khasaaro ayay heleen.
SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan