Barcelona oo heshiis hor leh usoo bandigeysa Lionel Messi.

0
856

Sida ay werrineyso majaladda Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo, kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa qorsheyneysa inay heshiiska Lionel Messi gaarsiiyaan illaa 2022.

Bishii Novermber ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ayay ahayd markii uu Captain-ka Barca uu saxiixay heshiis muddadiisa ku simantahay illaa sanadda 2021.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa hadda diyaarineysa yabooh kale oo ay Messi uga dhaadhicinayaan inuu hal sano ku kordhiyo heshiiskiisa.

Heshiiska uu hadda kula jiro kooxda ka dhisan Camp Nou ee ah 700 million oo Euro ayaa ka dhigaya inaysan koox ku deg degi karin inay jebiso, se laga yaabee kooxaha Asia inay hunguriyeeyaan.

Inkastoo da’diisa ay tahay 31 jir, haddane waxa uu weli ku jiraa qaab aad u wanaagsan, taasoo Blaugrana ku riixeysa inay heshiiska ka kordhiyaan laacibka reer Argentina.

Sheekooyinka qaar ayaa ku warrama in Messi ay macquul tahay inuu ku laabto kooxdii carruurnimadiisa haddii uu isaga doono.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan