Atletico Madrid Oo Bartilmaamedsanaysa Xidigan Katirsan Chelsea.

0
985

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay xoogga saari doonto sidii ay Chelsea kaga soo qaadan lahaud xidigeeda qadka dhexe ee Cesc Fabregas.

Fabaregas ayaa maalmihii lasoo dhaafay lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqayo kooxda uu maamulo tababare Maurizio Sarri, maadaama uusan kamid ahayn xidigaha safka koobaad ee Blues.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mirror ayaaa baahisay in Atletico Madrid ay bartilmaameedsanayso xidiga heerka caalami ee reer Spain kaa soo laga yaabo in uu dib ugu laabto dalkiisa hooyo.

Cesc Fabregas ayaan waqtigan kamid ahayn xidigaha inta badan uu tababare Sarri usoo dooqdo safka hore iyada oo xidigaha N’Golo Kante iyo Jorginho ay yihiin xidigaha booska joogtada ee qadka dhexe kusoo bilaawda inta badan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan