24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

0
2567

 

Qodobka 1-aad: Thierry Henry  ayaa si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee kooxda AS Monaco wuxuuna qalinka ku duugay heshiis sedex sano ah.

Qodobka 2-aad: Kooxda AC Milan ayaa dabagal xoogan ku heyso xidiga reer Argentina Leandro Paredes oo ka tirsan naadiga Zenit waxayna dooneysaa bisha Janaayo inay soo qaadato.

Qodobka 3-aad: Kooxda Paris Saint-Germain ayaa beenisay inay musuq maasuqday kulan Champions League ka tirsanaa oo ay nus darsin goolal ah naadiga Red Star Belgrade kaga badiyeen.

Qodobka 4-aad: Halyee Roberto Carlos ayaa kooxdiisa Real Madrid ku difaacay in xagaagan aysan badalka Cristiano Ronaldo suuqa Yurub kasoo iibsanin.

Qodobka 5-aad: Barcelona ayaa dooneyso inay kordhiso qandaraaska Lionel Messi haatan Camp Nou ku joogo waxayna rabtaa Barca inay xidigan sii heesato ilaa xagaaga 2023.

Qodobka 6-aad: Eden Hazard ayaa ka dhawaajiyay inuu u xiisay ka hoos cayaarida macalin Jose Mourinho waana hadal ku dhiiri galinaayo kooxda Man United cayaaryahankan qandaraas kordhinta diidan inay kusoo iibsato xagaaga dambe.

Qodobka 7-aad: Kooxda Man United ayaa ku dooneyso 60-milyan oo euro ah cayaaryahan Nikola Milenkovic oo khadka dhexe Fiorentina iyo Serbia kaga cayaaro.

Qodobka 8-aad: Kooxda Tottenham ayaa diyaarisay £40m inay naadiga Bournemouth kaga soo qaadato Nathane Ake sii uu badal ugu noqdo Jan Vertonghen.

Qodobka 9-aad: Real Madrid ayaa weyn doonto cayaaryahankeeda Vinicius Junior mudo bil ah asigoo ka qayb qaadan doono tartanka Koonfur Ameerika ee da’dooda ka hooseyso 20-sano wuxuuna tartankan socon doonaa 20 Jan 2019 ilaa 13 Feb 2019.

Qodobka 10-aad: Man United ayaa la xariirtay macalin Massimiliano Allegri waxayna u bandhigeen heshiis sedex sano ah si uu tababare Jose Mourinho badal ugu noqdo.

Qodobka 11-aad: Juventus ayaa doneyso cayaaryahan Adrien Rabiot inay kusoo qaadato si bilaash xagaaga dambe weliba qaabkii Emre Can oo kale ay Liverpool kaga soo qaateen.

Qodobka 12-aad: Kooxda Barcelona aya walaac ka muujineyso dhaawaca soo gaaray Thomas Vermaelen xili uu xulka Belgium u cayaarayay.

Qodobka 13-aad: Cayaaryahan Luka Modric ayaan ku faraxsaneyn waqtiga uu caasimada Spain ku qaadanayo wuxuuna maamulka kooxda weydiisan doonaa in bisha Janaayo la iska fasaxo.

Dhamaad.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan