Waa kuma Mousa Dembele Laacibka Diirada u Saaran Kooxaha ugu awooda badan ee Horyaalka Seri A.

0
1440

Kooxaha ugu awooda badan ee wadanka talyaaniga ayaa dhamaantooda doonaya laacibka kubadda u abuura kooxda Spurs ee Mousa Dembele.

Haddaba waxaan Aqristayaasheena la wadaageenaa taariikh kooban oo ku saabsan laacibka ay ku waasheen kooxaha Juventus, inter Milan , iyo Ac Milan.

Mousa Dembele waxuu dhashay 1987 waa laacib ka ciyaara khadka dhexe kaasi oo kooxda Totenham ku sugan tan iyo 2012.

Xirfadiisa kubadda cagta waxuu soo bilaabay Sanadkii 2003 waxuuna kasoo bilaabay kooxda Germinal Beershot qeybta dhexe ayuuna u maamuli jiray.

Laacibkan ayaa muddo seddex sano kadib u dhaqaaqay horyaalka Eridivise ee wadanka Holland isagoona ku biiray kooxda Willem II.

Waxuu kooxda Willem II u ciyaaray 33 kulan isagoo u dhaliyay 9 gool sikastaba bandhigiisa wanaagsan ayaa sababay inuu dalab ka helo kooxda awooda badan ee AZ alkamaar.

Mousa ayaa go,aansaday inuu dardar galiyo dalabka uu ka helay kooxda Az waxaana uu ugu dambeeyn ku biiray Kooxda AZ alkamaar sanadkii 2008.
Fasal ciyaareedkii 2008/2009 waxuu kamid ahaa ciyaartooydii kooxda Az alkamaar ka saaciday ku guuleeysiga Horyaalka wadanka Holand.
Kadib markii uu u ciyaaray 118 kulan una dhaliyay 23 gool waxuu soo caga dhigtay horyaalka Wadanka England isagoo ku biiray kooxda Fulham.
Dhowr xagaa kadib waa uu ka dhaqaaqay waxaana sanadkii 2012 uu ku biiray kooxda haatan uu katirsan yahay ee Tottenham Hotspur.
Xulka Belguim waxuu u saftay 82 kulan isagoona u dhaliyay 5 gool sikastaba laacibkan ayaa free kaga dhaqaaqi kara kooxda Spurs marka uu dhamaado fasal ciyaareedkan.
SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan