Michael Essien oo Cadaalad daro ku tilmaamay haddii Reds Devils ay Buriso Jose Mourinho.

0
1418

Mustaqbalka Jose Mourinho shaki weyn ayaa kujira maadaama Xilli ciyaareedkan ay kooxdiisa kujirto xaalad aad u adag.

Sikastaba Laacibkii hore ee kooxda Chelsea Michael Essien ayaa cadaalad daro ku tilmaamay haddii Red Devils ay shaqada ka racdeeyso jose.

Mourinho iyo Michael Essien ayaa si wadajir ah ugu soo wada shaqeeyay kooxda Blues ee ka dhisan galbeedka magaalada London.

Micheal Essien oo wax laga weeydiiyay Xaalada jose Mourinho ayaa ku jawaabay,: waa cadaalad daro Haddii Manchester United ay buriso jose Mourinho.

Essien ayaa aaminsan in ninka reer portugal uu yahay wali shaqsiga ku haboon ee maamulki karo kooxda reer England xilli united ay la xiriirtay macalin Masimiliano Allegri.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan