Manchester United oo u Dhaqaaqeysa Masimiliano Allegri.

0
1410

Kooxda Manchester United ayaa dooneeysa in jose Mourinho booskiisa ay ku wareejiso marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan macalinka maamula kooxda Juventus ee Masimiliano Allegri.

Shiishka maamulka Red Devils waxaa markan kusoo biiray macalinka reer talyaani ee Masimiliano Allegri kaasi oo waqti qurxoon ku qaadanaya horyaalka Seri A.

Mustaqbalka Jose Mourinho shaki weyn ayaa soo galay kadib markiiuu Xilli ciyaareedkan ku bilaawday si liidata sidoo kale waxuu lumiyay kalsoonida taageerayaasha.

Manchester United ayaa dooneeysa in macalin Allegri ay siiso 9 million oo Euro iyo qandaraas gaaraya 3 sano sidoo kale waxaa gacanta loo galin doonaa lacag gaareeysa 200M oo suuqa uu ku gali doono.

Durbaba haddii Masimiliano Allegri uu macalin u noqdo Red Devils waxuu dooqiisa koowaad ee suuqa ka dhigi doonaa Ciyaaryahan Sergej Milonkovic Savic kaasi oo xagaaga soo aadan lagu heli karo 70M.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan