Man United Oo Real Madrid Iyo Barcelona Kaga Horraysa Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Daafacan.

0
1400

Manchester United ayaa lagu soo warramayaaa in ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay kaga horrayso tartanka loogu jiro saxiixa xidiga daafaca kaga ciyaara Benfica ee Alex Grimaldo.

23-jirkan ayaa loo tix galiyaa mid kamid daafacyada da’da yar ee ugu wanaagsan qaaradda yurub, isaga oo kooxda reer Portugal uga soo dhaqaaqay Barcelona sannaddii 2016, markaas oo ay kusoo iibsatay adduun dhan 2.6-malyan oo Euro.

Xidigan katirsan xulka Spain ee da’doodu kayartahay 21-ka sano isaga oo Barcelona B u saftay 92-kulan kahor inta uusan kubiirin Benfuca halkaas oo uu kusoo bandhigay tayadiisa ciyaareed.

Sida ay Il Corriere Dello Sport labada kooxood ee La Liga ayaa doonaya adeegga xidigan, halka United ay ay haysato fursad wayn oo ay kuheli karto xidigan marka la eego siyaasadda suuqa ee kooxaha Madrid iyo Barca.

Tababare Jose Mourinho ayaana taahere wayn u ah Grimaldo, isaga oo doonaya in uu ku baddalo xidigaha Luke Shaw iyi Ashley Young kuwaas oo waqtigan Unuted uga booska Numberka seddexaad ee daafaca.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan